Waa Maxay Suuq gaynta Digitalka ah
What is the Digital Marketing?Waa Aalad Electronic ah oo ay adeeg sadaan khubarada suuqgaynta si ay ugudbiyaan fariimaha xayaysiinta oo ay ku cabiraan baahida alaabtaas ay u qabaan bulshada wax iibsata.bal waxaad fiirisaa xayaysiimaha ka soo muuqanaya aaladaha aad isticmaasho sida facebook ,youtube iyo wabsite ma dhibsataa vedio xayaysiina oo aad rabin oo iska soo fuula shaashadaada telefanka gacanta taas ayaa ah xayaysiinta digitalka ah .
wakhtigii hore waxa wax lagu xayaysiin jiray televesion,boorarka,radio iyo jaraa,id oo cidna looga sheekeyneen intaa dhalashadoodu ka horaysay 2005 taasi waxay ahayd qaab manual ah oo aad u dhibadan waayo ma aanad helayn address meeshas ama xariir toosa oo aad la samayso sidoo kale awood umaad lahayn inaad product walba qiimihiisa ogaatid.
Types Digital Marketing
- Pay per Click
- Search Engine Optimization {SEO}
- Email Marketing
- Social Media Marketing
Pay per Click
xayaysiinta per click waa xayaysiin aad ku bixinayso lacag taasi oo uu kuu xayaysiinayo company weyn ee Google qaybtiisa Adword. Adwords wuxuu ku shaqeeya qaabka magacyada hadii aad google wax ka baarto wuxuu kugu furayaa xayaysiinta alaabta aad google ka baartay Tusaale waxaad google ka baartay labo jeer mobile ama saacad wax yar kadib waxa meelkasta oo aad isticmaalayso internetka uu kugu furayaa xayaysiis iska soo fuulaya shaashadaa oo ah mobilkii iyo saacadii.
Search Engine Optimization {SEO}
Search Engine optimization waa qaabka ugu wayn ee ay isticmaalan khubarada Digital Marketing.
waana qaabkan ugu fudud ee macaamishu ay u helayaan wapsitekaga ama badeecadada ku jirta internetka, Tusaale marka aad shay aad raadinayso ama wax kalaba waxaad aragtaa in waxa aad raadinaysay uu kor soomaro taasi ayaa ah Search Engine Optimization waxana jira shirkado bixiya sida uu wapsitekaagu ugu sareeyn lahaa marwalba marka la raadinayo wax ku jira.
Email Marketing
Email Marketing waa qaab aad u sahlan kaasi oo ah in macaamiishada wax kaaga gadata digital iyo kuwa alaabahaga ama badecadada fiir-fiiriya ee wabsiteka kusoo gala email uu email ladooda kaydinayo cookies isla markaana aad badeecada cusub ugu diri karto qaabkaas emailka ah.
marka aad rabto inaad email u dirto dadka kuugu jira liiska emailka waa inaad qortaa ciwaan dadka soo jiinaya sido kalana aad dirtaa wakhtiyada ugu muhiimsan ee dadka ay nastaan micnaha ay shaqo ku jirin.
Social Media Marketing
Social media waa meesha la is dhihi karo waxay tahay hal bawlaha digital marketinka maxaa yeelay waa meesha kaliya ee ay kaaso raacayaan macaamiisha cusub taasina kuu keento in 100 qof ee ogaada Alaabtada uu wax kaa gadan karo 40 qof iyo kabadanba .
waxaad samayn kartaa in wabsite kaga aad ku xirato qaybta social media si dadka ku usoo raacan.
Hadaba waxa is weydiin mudan companyada ugu waaweyn aduunka ee maanta qof kasta oo soomaliya magaciisa looga sheekayn karin halka ay ka yimaaden iyo waxa ay yihiin.
Tusaale Alibaba iyo Amazone maxay yihiin .
waxa laga yaaba in hada kohor intaanad qoraalkan akhrin aanad fahan sanayn waxa ay yihiin companyadan digitaal marketinka ah. hadaba akhrista waxaan filayaa inaad wax ka fahantay digital marketinka hadii aad qabto wax su.aala ama wax aad xiisaynayso inaan ka soo hadalno noogu reeb comentiska.

0 Comments