Waa Maxay Google Adsense





Google Adsense Waxa iska leh shirkada Google waana Waax kamida oo loo yaqaan Adsense.

Waaxdan waxa marka magaceeda la turjumo noqonayaa Xayaysiis Waana waxa ay ka shaqeyso .shirkadaan waxa la aa's aasay sanadku markuu ahaa March 2003 waxana ujeedka loo aas aasay Ahaa in wax lagu xayay siiyo. shirkada google ayaa sanadkii ka faa,ida lacag qayral xada ilaa 150,000,000,000 $ waxana loo adeegsadaa sawiro,vedio iyo qoraal intaba.

Shirkadaan waxa ay u dhaxaysaa xayay siistaha iyo xayay siiyaha kaas oo qofka wapsite iska leh una furan tahay barnaamijka google adsense loo ogolaado inuu wapsitekiisa kufuro xayay siin kadibna lacag ka sameeyo halkaas.

                         

 Google Adsense Maka shaqeeya Soomaliya



dhalinyaro badan oo soomaliya ayaa isticmaala google adsense ayagoo kukala isticmaala platform kala duwan sida facebook,youtube,wapsite iyo Blogger.

hadaba sidee ayaa dhalinyarta soo maliyeed ee isticmaasha google adsense haba ku isticmaalan platfom kala duwan u furtaan barnaamijka google adsense.

Wadankeena Hooyo ee Somalia malaha adress iyo tixraac uu google ku ogaan karo in uu waxa soo codsaday yahay qof nool ama platform ropot ah sidaa darteed wadankeenu kuma jiro liiska wadama google ogal yahay in laga codsodo adsensiga.

lakin dhalinyarta soomaliyeed waxa ay sameeyan in qof dibada jiro usoo diro addresskiisa iyo posta code kiisa kadibna qofka uu galiyo address loo soo diray halkaana uu ku hello code ogolaanshaha shirkada goog adsense.

Hadaba sidee loo sameeyaa google adsense.

Google adsense marka aad sameynayso waxa lagaa rabaa inaad haysato waxyaabaha lagaa doonayo oo aan kor kusoo sheegnay somalia laga helayn waqti xaadirkaan dagaalada iyo burburka oo sababay oowgeed sidaa darteed waa inaa haysataa waxyaabaha soo socda:-


Address.

Adressku waa ka ugu horeeya ee lagaa rabo maxaa yeelay google adsense waxa uu diri doona code kaas oo larabo meel laguugu soo hagaajiyo.adressku maaha ka xaafada oo kaliya waxa kaloo lagaa rabaa wadanka magaciisa,magaalada ,xaafada,iyoadreeska guriga


Posta Code.

sidoo kale waxaa lagaa rabaa postal code oo ah meesha la dhigayo code kaaga postal code waxay leedahay number ugaara oo ka kooban 4 -6 number .wadamada qaar waxa jira in xaafada laguugu keeno code kaaga sida wadamada yurubta oo kale.

waxa jira wadamo aan xafada layskugu keenin iyo postal code laguu dhigayn maxaa yeelay waxa laga raba inaad adigu tagto postal code ka furato koonto bishiina khidmad aad iska bixiso wadamadaas waxa kamida Qaarada Africa oo dhan,turkiga ,Maleesiya iyo wadamo kale oo Aasiya ah.

Google Adsense Sidee Laguugu Soo ogolaana .

Google adsense waxa laguu soo ogolaana marka wapsite kaaga ama youtub la fiiriyo.          masalan wapsite oo ah kan aad wax ka aqrisanayso waxa la rabaa inaad hore usoo galisay maqaalo ama qoraalo badan 10-20 kuwaas oo leh kuwaalati sare dhamaantoodna la aqrisan karo kuna qoran luuqadaha google aqoonsan yahay oo ay somaligu kamidyahay in wapsitekagu jiro mudo 3bil iyo ka badan in wapsite ay ku xiran yihiin dad badan ama uu leeyahay trafic badan maalin walbana ay soo booqdan dad badan oo uu google u arko inuu wax ku xayaysiisan karo wapsite kaaga.

hadii laguu soo ogolaado google adsense waxaan kugula talin lahaa inaad iska ilaaliso waxyaabaha wapsite dib udhigaya oo qaarkood sababaya in lagaalo laabto shatigii uu ku siiyay adsense maxa kamida:-

1.in qoraal iyo sawir aad kasoo qaaday wapsite kale si toosa usoo dhigto wapsitekaga

2.in aad adsense gaaga isku daydo in aad wapsite kale oo lamagaca kaaga galiso waayo google adsense wuxuu u arkayaa scamer

3.dhamaan wixii copy right ah.